Eritrea: “TPLF waxay gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya ka wadaa ficillo Sheydaan”

Dowladda Eritrea ayaa markii ugu horeysay war ka soo saartay xaaladda dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya maalmo kaddib markii ay xoogagga gobolka Tigray ay gantaallo ku garaaceen magaalada Asmara.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Mane Gebre-Meskel ayaa ku eedeeyey Xisbiga TPLF ee maamula gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya inay wadaan wa uu ugu yeeray ficillo sheydaan.

Mr Gebre-Meskel ayaa canaan dusha uga tuuray hoggaanka Tigray-ga xilli uu isbuucii saddexaad galay dagaalka culus ee u dhaxeeya xoogagga gobolkaas iyo ciidamada dowladda federaalka Itoobiya.

“Muhiim ma aha inaan xoojinno soo afjaridda aan la saadaalin karin ee xisbiga TPLF” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Eritrea oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka.

Gebre-Meskel sooma hadal qaadin arrinta ku saabsan gantaalladii ay ciidamada Tigray-ga ku rideen magaalada Asmara.

Maamulka TPLF ee gobolka Tigray ayaa horey ugu eedeeyey dowlada Eritrea iney qeyb ka tahay dagaalka ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen dhulkooda, hase ahaatee Eritrea ayaa eedeyntaas beenisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -