Madaxweyne Trump oo Shaqada ka eryay sargaal kahor yimid hadalo uu sheegay !!

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka eryay sargaal katirsanaa guddiga doorashada Mareykanka ,oo kahor yimid sheegada Madaxweynaha oo aheyd in doorashada la musuq maasuqay laguna shubtay.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Trump ayuu ku sheegay in shaqada ka diray madaxii guddiga doorashada u qaabilsanaa amniga internetka Chris Krebs, waxa uuna sargaalkan ku eedeeyay Trump hadalo khalad ah oo kahor imaanaya hufnaanta colaada.

Donald Trump ayaana ka carooday in sargaalkan uu si cad uga soo horjeestay sheegashadiisa ku aadaneyd in doorashadii dhawana ka dhacday dalka Mareykanka lagu shubtay ayna ka dhacday musuq maasuq.

Guddiga doorashada dalka Mareykanka ayaa sheegay in doorashadii dhawaan dhacday ay aheyd tii ugu wanaagsaneyd uguna amaanka badneyd oo ka dhacda dalka Mareykanka , waxa ayna meesha ka saareen in doorashada lagu shubtay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa bilaabay in xilalka ka qaado saraakiisha iyo xubnaha kale ee kasoo horjeesta sheegashadiisa iyo kuwa uu arko in ay la dhacsan yihiin sax ahaanshaha doorashadii dhawaan dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -