Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida ku timid Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
 
Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo soo qabtay xilal diblumaasiyadeed oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda maqaamka iyo magaca dalkeennu ku leeyahay caalamka.
 
“Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib waxa uu door weyn kasoo qaatay bilowgii dowladnimadeena. Waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibadeed. Waxaan xasuusannahay sida uu dadaalka ugu bixiyay in Qaranka Soomaaliyeed uu si mugleh uga dhex muuqdo saaxada siyaasadeed ee caalamka”.
 
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mooshin cusub oo loo gudbiyay Gudoomiyaha golaha Shacabka (Halkan ka Akhriso )

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo shaacisay tirada Ciidamada ay ka dileen Tigrey hanjabaad culusna dirtay

Cabdi Cade

Koob Kubada Cagta oo lagu soo gabo gabeeyay Degmada Dayniile (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---