Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Shaki ka muujiyay kala hadalka Ra’isul Wasaare Rooble iyo kuxigeenkiisa

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa shaki balaaran ka muujiyay kala hadalka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo kuxigeenkiisa Mahdi Guuleed.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Rooble dhawaan sheegay in mucaaradka aysan ka wel welin doorashada dhawaan dhaceysa uu isaguna meesha u joogo , halka uu tilmaamay Mahdi Guuleed uu sheegay in la qabanayo doorasho la mid ah tii maamul goboleedyada.

”Rooble maalin dhawayd wuxuu warbaahinta u sheegay “Murashixiinta waxaan leeyahay ha welwelinina aniga ayaa meesha idiin jooga cid idin dhacaysa ma jirto”. Mahdi Guuleedna caruurtii dugsida hoose iyo dhaxe wuxuu maanta u sheegay “In ay qabanayaan doorasho wareega koowaad Farmaajo ku soo baxayo sida doorashadii Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in hadalka Ra’isul Wasaare Rooble ka muuqdo doorashada soo socota xoog iyo boob lagu qaadan doono, halka uu tilmaamay in hadalka Mahdi Guuleed isna ka muuqdo in doorashada Madaxweyne Farmaajo ku shuban doono.

”Hadalka Rooble waxaa ka muuqda in doorashada soo socota xoog iyo boob lagu qaadan doono. Mahdi Guuleedna wuxuu sheegay in doorashada soo socota uu Farmaajo ku shuban doono! hadaba, waa loo joogaa hadii Rooble iyo Mahdi ay Farmaajo dadka xoog ku dul saari karaan! ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Doorashada Soomaaliya ayaana shaki badan laga muujinayaa in ay ku dhacdo qaab daah furnaan ah, waxaana musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya walaac xoogan ka muujinayaan guddiga doorashada maamulaya oo dhinac u janjeera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo amar ku soo rogtay ganacsatada dalka keenta Shidaalka (Akhriso)

Caydiid Ali

Somaliland oo amar ku bixisay in hawada laga saaro Isgaarsiinta & Internetka Laascaanood

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo bixineysa AqoonsigA dadweynaha ID si loo helo Xogta dadweynaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---