Abiy Axmed oo sheegay iney dhamaatay mudadii loo qabtay TPLF, kuna dhawaaqay..

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inay dhamaatay 3dii maalmood ee loo qabtay inay isku soo dhiibaan ciidamada TPLF ee dagaalka kula jira dowlada Itoobiya.

Waxaa uu u mahad celiyay ciidamo badan oo sida uu sheegay ka faaiidaysatay mudada loo qabtay iskuna soo dhiibtay ciidamada Itoobiya, si loo badbaadiyo shacabka.

Maadaama uu dhamaaday xiligii loo qabtay TPLF ayuu sheegay Abiy in maalmaha soo socda la qaadi doono howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu sugayo sharciga.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu qaabilo kumaananka qof ee qaxootiga ah ee kasoo qaxayo gobolka Tigray halkaasoo uu dagaal ku dhexmarayo ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan TPLF.

Wuxuu wacad ku maray inuu difaacayo hantidooda isla markaana uu xaqiijin doono dib usoo celinta amniga gobolka, sida laga soo xigtay qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka.

Qaramada midoobey waxay sheegtay in ku dhawaad 20,000 qof ay kasoo qaxeen dagaallada ka taagan Tigray kuwaas o haatan gaaray dhinaca Suudaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -