Maxaa Keenay in Laga Noqdo Saldhigii Military ee Imaaraat-ka Laga Siisyay Berbera ?

Waxaa in badan laga faalooday, hadalkii madaxwayne Muuse Biixi uu ka jeediyay Berbera iyo kii ka danbeeyay ee Burco, waxana muuqatay in cid kastaa ay siday doonaan u fasireen. Waxaan la fadhiistay sadex masuul oo xog-ogaal u ahaa arimahaa xiligii madaxwaynihii hore ee Siilaanyo, qaarkoodna ay nasiib u heleen inay wadahadalada Somaliland iyo Imaaraadka ka qayb noqdaan intii madaxwayne Muuse xilka qabtay.

Waxaan arinta u baadhay si madax-banaan oo ka madhan mucaarid iyo muxaafid si aan u helo xogta dhabta ah kadibna u faalayno waxa ka dhalankara. Marka hore aan qodobeeyo, wixii lagu kala aragti duwanaa ee masuuliyiintaasi iiga warameen inta aanan gunaanadin.

Xiligii madaxwayne Siilaanyo waxa loo ogolaaday dowlada Imaaraat-ka inay saldhiga Military dhismihiisa bilowdo iyada oo aan heshiis buuxa labada dhinac kala saxeexan oo la diyaarinayo. Arintaasi waxay ka baxsanayd soo jireenkii heshiisyada, oo sida caadadu tahay heshiisku horeeyo. Waxa masuuliyiintu arintaa dusha u saareen masuulkii Somaliland u fadhiyay Imaaraat-ka xiligaa (hadana Kenya); Baashe Cawil oo ahaa nin awood badan oo siyaasadeed yeeshay, maadaama madaxwaynuhu sodog u ahaa. Waxa la ii xaqiijiyay in uu masuuliyiintii uga saraysay arinka ka fara-maroojiyay oo isagu keligii gaadhay go’aankaa.

Madaxwayne Muuse markuu xilka la wareegay, waxa uu la wareegay qabyo-qoraalka heshiiska saldhiga military, waxaana uu u xilsaaray masuuliyiin dhowra. Hadii aan soo ururiyo, qodobadii ugu waawaynaa ee lagu kala aragti duwanaa, waxay ahaayeen sidan.

1. Qodob ayaa u dhignaa; xaydaanka saldhiga gudihiisa wixii fal danbiyeed ama muran ka dhaca waxa lagu xukumayaa sharicaga Imaaraad-ka, waxana ka garnaqaya maxkamadaha Imaaraad-ka. Arintaa gudidii cusbayd ee u xilsaarayd waxa ay u arkeen arin aan la aqbali karin oo tilmaamaysa in saldhigu ka baxayo siyaadada dalka, sidaa awgeedna laga masaxo heshiiska, laguna bedelo “waxaa lagu xukumayaa sharciga Somaliland, waxana ka garnaqaya maxkamadaha Somaliland”.

2. Qodob kale ayaa u dhignaa; dowlada Imaaraad-ku waxay xaq u leedahay in ay dowlad kale u ogolaato in ay saldhiga isticmaasho (laguma cadayn in Somaliland la war gelinayo). Gudidii waxay u arkeen arinkaa mid gef ah, waxayna ku doodeen in cidkasta oo aan Imaaraad-ka ahayn oo doonaysa inay saldhiga isticmaalaan ay tahay in ay ogolaansho qoraal ah ka helaan xukummada Somaliland ka hor inta aanay arintaasi dhicin.

3. Qodob kale ayaa u dhignaa; Somaliland saldhig dowlad kale leedahay lagama samayn karo inta heshiiskani jiro. Qodobkanna dhinaca Somaliland lama aqbalin.

4. Waxay Somaliland dhinaceeda ku soo kordhisay qodobada heshiiska, in Somaliland ay awood u leedahay in ay la socoto wax kasta oo ka soo degaya dekeda military ee saldhiga raacsan. Arintaasi waxay ku adkaatay Imaaraad-ka oo u arkay in aan taa loo baahnayn.

5. Somaliland waxay soo jeedisay in ciidanka degaya Saldhiga aanay ka mid noqon calooshood u shaqaystayaal (oo Imaaraad-ku adeegsashadooda ay caan ku yihiin), iyagoo ku sababeeyay in calooshood u shaqaystayaashu aanay anshax (discipline) fiican lahayn oo ay dadwaynaha isku dhici karaan, taasina dhibaato keeni karto. Taasina waxay Imaaraad-ka ula muuqatay fara-gelin dheeraad ah.

6. Somaliland waxay qabyo-qoraalka ku dartay, “saldhiga lagama weerari doono wadan kale (oo ay soo geleyso Yemen) iyada oo aan ogolaansho gaar ah Imaaraad-ku u helin arintaa”. Arinkaasina wuu ka degi waayay Imaaraad-ka oo laga yaabo in u jeedada ugu wayni ay ahayd in saldhigu ka qaybqaato dagaalada ay ku jiraan.

7. Qodob qabyo-qoraalka ka mida ayaa u dhignaa; Imaaraadku waxay Somaliland ka caawinayaan qalabaynta iyo tababarka laamaha amaanka (booliska, sir-doonka iyo denbi-baadhista) iyo ciidanka. Waxa Somaliland dalbatay in arintaa laga wada hadlo islamarkaana la isla meel dhigo, lifaaq gaarana lagu faahfaahiyo qalabka noociisa, tiradiisa iyo xiliga uu soo gaadhayo Somaliland. Somaliland waxay danaynaysay hub-ka culus ee Military-ga oo ay ka mid yihiin difaaca cirka iyo raadaaro casriya. Imaaraad-ku waxay ku doodeen in aanay hubkaa bixin karin maadaama Soomaali oo dhan cunaqabatayn dhinaca hubka ahi saarantahay.

8. Qodob kale ayaa u dhignaa; saldhiga Imaaraad-ka ee Berbera wuxuu u xilsaaran yahay in uu ilaaliyo hawada Somaliland. Arinkaa gudidii Somaliland waxay u arkeen in ay ciidanka Somaliland u xilsaaraado ilaalinta hawada, imaaraadkuna farsamo ahaan ka caawiyaan. Qodobkaana waa la isku maan dhaafay waxaana Imaaraadku u muuqdeen inay doonayaan waxkale oo saldhiga ka baxsan.

9. Waxa Somaliland dalbatay in kirada saldhigu aanay noqon wax aan cadayn (muhmal), sida ay hada u qoran tahay, oo ah (muqaabil ahaan) “Imaaraadku waxay Somaliland ka caawinayaan mashaariicda horumarinta dhaqaalaha iyo tababarka iyo qalabaynta laamaha amaanka iyo ciidanka Somaliland”. Waxa la soo jeediyay in aan kiradu ka yaraan intii uu maraykanku bixin jiray xiligii uu fadhiyay saldhiga oo ahayd 40 million oo dollar. Arintaana imaaraad-ku ma aqbalin, inkasta oo la ii sheegay in aanay si qayaxan u diidin.

10. Waxay Somaliland soo jeedisay in qodob ka mida qabyo-qoraalka dib loo qoro oo laga dhigo, “dhinac (dowlad) kastaa waxuu xaq u leeyahay in uu soo jeediyo in heshiiska dib loo eego xili kasta oo ay arintaasi u muuqato lagama maarmaan, waxa markaa waajib ku ah labada dowladood inay ka wada fadhiistaan oo la isla eego soo jeedinaha kala duwan, lagana heshiiyo. Hadii laga heshiin waayo waxay dowlad kastaa xaq u leeday inay heshiiska ka baxdo. Hadii labada dowladood mid ka mid ahi heshiiska ka baxdo waa in 60 maalmood lagu xidhaa saldhiga, mudadaa gudaheedana ciidanka joogaa kama bixi karo saldhiga.

Kuwaasi waxay ahaayeen 10 kii qodob ee ugu waawaynaa ee lagu heshiin kari waayay si uu saldhiga military ee Imaaraad-ku shaqadiisa u bilaabo. Isfahan waagan waxa ku xeeran arimo aan yaran oo u baahan in qoraal gaara lagu lafa-guro, waxaana ka dhalan kara natiijooyin iyo saamayn kala duwan oo taban ama togan. Qaybta 2aad ayaan ku lafa guridoonaa go’aanka saldhiga lagaga noqday.

W/Q Mohamed Ducaale

mohamed.dheeg19@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com