Madaxweyne Trump oo qaadaya talaabo culeys weyn ka dejineysa Al-Shabaab

Sida ay baahiyeen warbaahinta Maraykanka Madaxweyne  Trump ayaa lagu wadaa inuu amar ku bixiyo in ciidamo dheeraad ah laga soo saaro dalalka Afghanistan, Ciraaq iyo Somalia ka hor inta uusan ka tegin xafiiska inkastoo uusan weli qiran in doorashada looga guuleystay.

Ciidamada ku sugan Afghanistaan oo haatan tiradoodu tahay shan kun ayaa kala bar la dhimmi doona (2500 ayaa lasoo saari doona) halka kuwa Ciraaq joogana laga dhimmi doona ilaa seddex kun ama labo kun iyo shan boqol oo askari.

Madaxweyne Trump wuxuu horey u sheegay inuu doonayo dhamaan ciidamada in guryahooda ku laabtaan marka la gaaro ciidda masiixiga ah ee Christmas.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia oo ka badan 500 oo askari ayaa iyana dhamaantood lagu celin doonaa dalkooda, iyadoo howlgalada Soomaaliya ay sii wadi doonaan ciidamada Mareykanka ee jooga dalalka Jabuuti iyo Kenya, kuwaasoo badankood fuliya duqeymaha dayuuradaha Droneska ee Soomaaliya.

Hase ahaatee waxay tani sababi doontaa iney aad hoos ugu dhacaan doona howlgalada Maraykanka ee Somalia, taasoo ka dhigan culeys badan oo ka dagaya Al-Shabaab, waxaana howlgalada Maraykanka uu ka fuliyo Somalia lagu soo koobi doonaa kuwa muhiimka ah oo kaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -