(Sawirro) Muuse Biixi oo soo gebagebeeyey tartankii ciyaaraha gobolada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo gunaanaday tartanka kubbadda cagta gobollada Somaliland oo maanta lagu soo gebogabeeyey garoonka Hargeysa Stadium, kaasoo ay ku guulaysteen xulkii ka socday gobolka Daad-madheedh.

Biixi oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyaha ciidanka Booliska, madaxda gobollada Maroodi-jeex iyo Daad-madheedh, xildhibaanno, asxaabta xisbiyada qaar ka mida, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale, ayaa daawashada ciyaarta kaga qayb-galay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium oo ay ku sugnaayeen kumannaan katirsan taageerayaal ah.

Ciyaartan oo xamaasad iyo xiise gaar ah lahayd, ayaa ku soo dhammaatay laba gool oo ay la yimaaddeen xulkii ku ciyaarayey gobolka Daad-madheedh iyo hal gool oo ay dhaliyeen xulkii ku ciyaarayey gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo uu u diray kooxda guulaysatay iyo midda kaalinta labaad gashay kaddib, waxa uu si guud u bogaadiyey dhallinyarada reer Somaliland, isagoo ka hadlay faa’iidooyinka kala duwan ee laga dhaxlo ciyaaraha.

Muuse Biixi ayaa koobkii ay ku guulaysteen guddoonsiiyey xulka kubbadda cagta ee gobolka Daad-madheedh, isagoo sidoo kalena billado siiyey ciyaaryahannadii intii tartanku socday goolashii ugu badnaa dhaliyey, kuwii akhlaa-wanaagga iyo ciyaar-wanaagga la yimid, garsooreyaashii dedaalka muujiyey, tababarihii ugu wanaagsanaa tartankan iyo qaar kamid ah madaxdii ku dedaashay qabsoomidda tartankan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -