Itoobiya oo shaacisay iney magaalo muhiim ah ka qabsatay gobolka Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeedu la wareegeen gacan ku heynta magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla Koonfurta gobolka Tigray.

War lagu sii daayey warbaahinta dowladda Itoobiya waxaa lagu sheegay inay qabsadeen magaalada Alamata oo dhacda gudaha Tigray kaddib markii ay isaga baxeen xooggaga TPLF.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin TPLF oo ku aadan arrintani, inkastoo weli TPLF ay gacanta ku heyso caasimadda Mekelle.

Dagaal ayaa todobaadkii hore dhexmaray ciidamada dawladda Itoobiya iyo ciidamo daacada u ah xisbiga xukuma gobolka Tigray ee TPLF.

Shaley ayay aheyd markii hogaamiyaha Gobolka Tigray ee Ethiopia (Debretsion Gebremichael) uu xaqiijiyay in ciidamada Tigray ay duqeeyeen garoonka diyaaradaha ee caasimada Asmara ee Eriteriya.

Dhacdadaani ayaa waxay sare u sii qaadeeysaa xisaadda colaadeed ee u dhaxeysaa dowladda Itoobiya iyo xoogagga deegaanka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -