Dad badan oo kasoo Jeeda Koonfur Galbeed oo lagu laayay Gaalkacyo iyo Sababta keentay

Wararka ka imaanaya Koonfur magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xalay duleedka magaaladaasi lagu laayay dad badan oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Inta la xaqiijiyay 9-ruux oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay lagala baxay guryo ay ka degnaayeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa lagu laayay hal goob.

Dilka dadkan Soomaaliyeed aan waxbo galabsan waxaa ka dambeeyay maleeshiyaad hubeesan oo ka carooday nin la sheegay in uu katirsanaa ciidanka Nabad sugida Galmudug oo lagu dilay Gaalkacyo.

Meydadka dadka la laayay ayaa la isugu geeyay isbitaal kuyaala magaalada Gaalkacyo, waxaana falkan dadka badan lagu laayay aad uga argagaxay dad badan oo Soomaaliyeed oo daafaha caalamka kunool.

Dad badan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo kunoolaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa cabsi owgeed magaalada ka baxsaday halka kuwa kalana ay gabaad ka dhigteen goobo ay aamineen in ay ku bad baadi karaan.

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -