Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle C/qaadir Nuune oo looga mahad celiyey.. (Sawirro)

Kulan ay maanta isugu yimaadeen waxgarad kala duwan oo ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan xaafada Nunspeet ee dalka Nederlands, ayaa lagu bogaadiyey sida uu Soomaalida xaafadaasi ku dhaqan ugu soo gurmaday C/qaadir Cali [Nuune] oo Guddoomiye ka ah Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda ku dhaqan.

Guddoomiyaha jaaliyada Zwolle C/qaadir Cali Nuune, waxaa lagu ammaanay inuu suurtageliyay in jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan xaafada Nunspeet helaan xarun u gaar ah oo ay maalmaha Jimcaha & Sebtida ku kulmaan, kagana tashadaan arrimahooda gaarka ah.

 C/qaadir Yuusuf [Mansuur] oo ka mid ah waxgaradka Soomaalida ee xaafadaasi ku dhaqan, oo kulankii maanta ka hadlay ayaa sheegay in ay qirayaan in dadka xaafadaasi ku dhaqan ay abaal weyn u hayaan Guddoomiye Nuune, isaga oo intaasi ku daray inuu ka shaqeeyey in dad xaafada wada daganaa oo aan in muddo ah is arki jirin in ay kulmaan.

“Anigu, mas’uul waxaan u aqaanaa qof isaga oo aan la dirin, keligiis isdira, dadkiisa na u qidmeeya, weliba isaga oo aan taas bedelkeeda waxba ka dooneyn. Guddoomiye C/qaadir, markii uu arkay tirada Soomaalida ee aan xaafada ku deganahay & xuquuqdii aan magaalada ku lahayn oo aynaan ka helin, wuxuu inoo soo dhammeeyey in na la siiyo goobtan oo aan isku waraysano, wax ku barano, mustaqbalka dhow na inoo noqon doona dugsi aan caruurta wax ugu dhigano” Ayuu yiri C/qaadir Mansuur, isaga oo intaasi raaciyay in Guddoomiyuhu uu waqti badan geliyey inuu dadka baahiyaha gaarka ah qaba caawiyo.

Guddoomiye Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda C/qaadir Cali [Nuune] oo kulankaasi hadal koobban ka jeediyay wuxuu u soo jeediyay jaaliyada Nunspeet, in ay ka go’an tahay in qof kasta oo Soomaali ah wixii uu la qaban karo inuu la qabto.
“Waqtigeyga ugu badan waxaan geliyaa inaan dadka Soomaalida ah caawiyo intii karaankeyga ah, waxaan idin kula talinayaa in xaruntan oo ah mid la idin la isticmaali doono inaad ilaalisaan nidaamka & sharciga loo dejiyey marka la isticmaalayo” Ayuu yiri C/qaadir Nuune.

C/risaaq Siidow [Macalinka]oo isagana madasha ka hadlay wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ay wada-shaqeyn wanaagsan la leeyihiin Guddoomiye Nuune, ayna ka faa’ideysan doonaan qibradiisa.

“Waxaan rajeynayaa in xaruntani aysan noqon doonin mid ay ku intifaacaan dadka ku dhaqan xaafada Nunspeet oo keliya, ee albaabadeedu ay u furan yihiin jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka ku dhowdhow Nunspeet” Ayuu yiri Macalin Siidow.

Jabriil Xaashi & Aweys oo sidoo kale madashaasi ka hadlay waxay soo dhoweeyeen kulamada joogtada ah ee jaaliyadu isugu timaado.

“Waxaan u soo jeedinayaa waalidiinta aan ka mid ahay, inaan u baahanahay dugsi caruurta aan dhaqanka & diinta ku barano, sidoo kalena lagaga caawiyo casharada iskuulaadka, waxaan u mahadcelinayaa Guddoomiye Nuune, oo suurtageliyey guushan” Ayuu yiri Jabriil Xaashi.

- Advertisement -