Madaxweyne xilka hayey muddo todobaad ah oo ku dhawaaqay inuu is casilay

Madaxwaynihii ku meel gaarka ahaa ee dalka Peru Manuel Maerino ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaasi ka dagay ka dib wax ka yar todobaad oo uu hayay.

Arrintan ayaa timid kadib markii dibad baxayaal careysan ay iskugu soo baxeen wadooyinka waawayn ee dalkaasi, iyagoo dalbanaya inuu xafiiska baneeyo, waxayna ku eedeynayeen inuu horey dalkaas uga galay dembiyo iyo qaladaad badan.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay rabshadaha halka tobonaan kalana ay ku dhaawacmeen.

“Waxaan doonayaa in aan ogeysiiyo wadanka oo idil inaan is casilay” ayuu yiri Mr. Merino oo khudbad si toos ah uga jeedinayey Telefashinka, isagoo hadalkiisa sii raaciyay inuu dadka ugu baaqayo nabad iyo inay dib u midoobaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -