C/raxmaan C/shakuur: ” Doorasho aan lagu wada qanacsanayn Xamar kama dhacayso”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wareysi uu bixiyey kaga hadlay Arrimaha Doorashooyinka  Soomaaliya iyo caqabadaha illaa hadda jira.

Waxaa uu sheegay C/raxmaan in qofkii doonaya inuu kursi Xildhibaanimo u tartamo la geynayo Xarunta Taliska Nabadsugida si loo soo hubiyo daacadnimadiisa iyo lacag laga lagu rabo in lagu soo saaro Xildhibaanada oo taalla Xaruntaas, taasoo ay bixisay dowlada Qatar sida uu sheegay.

C/raxmaan C/shakuur ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu kalsooni is geliyo, isla markaana tartan la galo Musharaxiinta xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya kula tartameysa.

“Dan ayaan ka leenahay hoggaaminta dalka oo inaan doorashada ka qeyb galnaan rabnaa, madaxweynaha waxaan leenahay kalsooni ha is geliyo, dhihi meyno dadka loo soo xulay guddiyada doorashada waa ajaaniib, laakiin waa dad dhinac u janjeera oo aan cadaalad u sameyn dad tartamaya” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/Shakuur waxaa uu intaas ku daray in Magaalada Muqdisho aysan ka dhici doonin doorasho aan lagu wada qanacsaneyn.

“Doorasho aanan ku qanacsanayn Xamar kama dhacayso, siyaasiyiin baan nahay, deegaanka ayaan ka soo jeednaa, dalkana in aan xukunno ayaan rabnaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -