Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Musharax Khayre oo galabta ku biiray wufuuda ku sugan Garoowe (Sawirro)

Ra’isal Wasaarihii hore ee Xukuumada Somalia Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa galabta ka degay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa ayaa garoonka dayuuradaha Garoowe ku soo dhoweeyay musharax Khayre.

Khayre ayaa ku biiraya wufuud horey ugu sugneyd Magaalada Garoowe oo iskugu jira, masuuliyiin ka tirsan DF, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, musharaxiin iyo siyaasiyiin kale.

Dhamaan wufuudan ayaa lagu casuumay ka qeyb galka dood uu soo qaban-qaabiyey machadka Heritage, taasoo looga hadlayo xaalada Somalia iyo xiliga kala guurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalka baraha bulshada ee u dhaxeeya Qatar iyo Xulufada Sacuudiga oo sii xoogeestay

Cabdi Cade

400 Arday oo u fariistay imtixaan loo gelayo Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation (Sawirro)

Cabdi Cade

Israa’iil oo shaqaale badan ka qaadaneysa Kenya iyo Mushaarka la siinayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---