(Akhriso) Cabdi Xaashi oo qoraal ashtako ah u diray wakiilada beesha caalamka ee Somalia

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qoraal ashtako ah u diray xubnaha beesha caalamka ee taageerada siiya dowladda Soomaaliya.

Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb. James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, Francisco Madera ayaa ka mid ahaa xubnaha loo diray qoraalka.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xilligaan wadanka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la galayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal si ay xor iyo xalaal ugu dhacaan, hase yeeshee uu ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo & Taliyaha Hay’adda NISA Cabdi Xaashi Cadillaahi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku muujiyay in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha arrintaan ay qaadayaan saddexda Mas’uul ee ugu sareeya DF, waxaana uu ugu baaqay Xubnaha ay warqadaan ku socoto inay soo farageliyaan howlaha socda si looga hortago musuqmaasuq lagu sameeyo doorashooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Somaliland.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdi Xaashi oo English ku qoran:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -