Hogaamiye katirsanaa Al Shabaab oo caawa shaaciyay in uu ka baxay kooxdaasi

Hogaamiye sare oo katirsanaa Al Shabaab oo Wareysi siiyay Idaacada Dowlada Radio Muqdisho ayaa caawa shaaciyay in uu isaga baxay kooxdaasi uu in mudo ah katirsanaa  xilal kala duwana kasoo qabtay.

Macalin Geedoow Aadan Abuukar oo sheegay in uu ahaa Gudoomiyihii Al Shabaab ee gobolka Baay iyo sidoo kale ahaa taliyihii ciidanka Al Shabaab ee gobolkaasi ayaa caawa cadeeyay in gabi ahaan uu ka baxay kooxda Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Macalin Geedow in isaga iyo sargaal kale oo ay kawada tirsanaayeen Al Shabaab go’aansadeen in ay ka baxaan kooxdaasi, waxa uuna xusay in kooxda ay hareer martay wadadii saxda aheyd ayna wado baabi’inta dadka sida uu tilmaamay.

Macalin Geedow ayaa sheegay in ay wataan ciidan badan iskana difaaci karaan Al Shabaab, waxa uuna sheegay in diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan Al Shabaab, waxa uuna ka codsaday dowlada in ay garab ka siiyaan dagaalka Al Shabaab uga soo horjeedaan.

Ninkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa ka codsaday in dowlada Soomaaliya soo dhaweyso maadama ay qaateen cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya ayna kasoo baxeen Xarakada Al Shabaab, waxa uuna ku baaqay in garab lagu siiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Marka laga reebo Wareysiga Radio Muqdisho ka qaaday ninkan sheegay in uu katirsanaa Saraakiisha sare ee Al Shabaab ayaan jirin ilo madax banaan oo warkan xaqiijinaya, mana jiro ilaa hada war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan arinkan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -