Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Armenia oo shaacisay tirada ciidamada loooga dilay dagaalkii Azerbaijan

Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa dhax maray dagaal dhiig badan ku daatay, dagaalka ayaana salka ku hayay gobol labada dal ku muran san yihiin, waxaana hada dagaalka u muuqdaa mid heshiis laga gaaray.

Dagaalka labada dal u dhaxeeyay oo socday ku dhawaad labo bil ayaa galaaftay nolosha kumanaan qof oo u badnaa ciidamadii dagaalamay, waxaa sidoo kale dagaalka sababay waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah.

War kasoo baxay dowlada Armenbia ayaa lagu sheegay in dagaalka ay la galeen ciidamada dalka Azerbaijan looga dilay  2,317 oo askari oon qaarkood la aqoonsan, waxa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

“Illaa iminka, waxaan xaqiijinay geeriday 2,317 oo askari, oo ay ku jiraan kuwa aan weli la aqoonsan,” waxaa sidaas qoraal ay soo dhigtay facebook ku tiri Alina Nikoghosyan oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka Armenia.

Dowlada Azerbaijan wali dhankeeda ma xaqiijin tirada khasaaraha kasoo gaaray dagaalka ay la galeen Armenia, waxaana la rumeesan yahay in dagaalka labada dhinacba uu kasoo gaaray khasaaro ka badan inta hada la shaaciyay.

Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ayaa dhawaan gaaray heshiis xabad joojin oo dowlada Ruushka uu kasoo shaqeeyey, heshiiskaan ayaana hirgalay xili Armenia dagaalka looga qabsaday dhul horey uga heesatay Azerbaijan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maareeyaaha Garoonka Aadan Cadde oo ka hadlay Warqad lagu baahiyay Warbaahinta

Cabdi Cade

Safiirka Somalia ee Liibiya oo ku kacay arrin gef ku ah dhaqanka Soomaalida (Sawirro)

Caydiid Ali

Joe Biden oo cafis Madaxweyne u fidiyay wiilka Hunter oo dambiyo galay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---