Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka iyo Ingiriiska oo duqeymo ku garaacay bartilmaameedyo kuyaalla Yemen

Ciidamada cirka ee dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa duqeymo culus ku garaacay fariisimo kuyaalla dalka Yemen, gaar ahaan goobo la sheegay in ay saldhigyo ku leeyihiin kooxda Xuutiyiinta.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ay duqeeyeen saddex iyo toban bartilmaameed oo ku yaalla deegaannada ay Xuutiyiinta maamulaan, ayna soo rideen 8 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah.

War kasoo baxay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa lagu sheegay in duqeymaha ay ciidamada huwanta geesteen ay ka dhasheen khasaaro, waxa ayna sheegeen in labo qof ku dhinteen duqeyn lagu garaacy dhismo raadiye oo kuyaalla magaalada Xudeydah.

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa marar badan duqeymo ku garaacay fariismo kuyaalla dalka Yemen, duqeymahaasi ayaana jawaab u ahaa weeraro Xuutiyiinta ku qaadeen Maraakiib shisheeye oo biyaha Badda Cas marayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Madaxweyne oo sheegay in Farmaajo iyo Mursal Shirqool cusub maleegayaan

Cabdi Cade

Booliska Somalia oo soo furtay gabar u dhalatay India iyo caruur afduub loo heystay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiil Dhibaato xoogan kasoo gaartay Game uu saacado badan ciyaarayay !!(Sawiiro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---