Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahino ka soo baxaya Madaafiic lagu garaacay qeybo ka mid ah Baydhabo

Tiro Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay saqdii dhexe lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo oo hadda xarun u ah Maamulka Koonfur galbeed Somalia.

Madaafiicdan oo laga soo tuurayey duleedka magaalada Baydhabo ayaa qaarkood waxay ku dhaceen agagaarka xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, meelaha madaafiicdan ay ku dhaceen waxaa ka mid ah nawaaxiga garoonka dayuuradaha magaalada Baydhabo iyo xaafado kale oo ka tirsan magaaladaas.

Shacabka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay iney xalay saqdii dhexe hurdada kaga soo tooseen daryanka madaafiicdan, ayna la soo deristay cabsi iyo argagax.

Masuuliyada weerarkan waxaa sheegtay kooxda Al-shabaab, welina lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, iyadoo saraakiisha amniga maamulka gobolka Koonfur galbeed aysan illaa hadda ka hadlin weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo & dhigiisa Erdogan oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in lacag loo heysto ciidanka dowlada Somalia loogu tababaray Eritrea?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---