(Sawirro) Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka Xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa cambaareeyey qaraxii saaka ka dhacay meel ku dhow isogoyska Banaadir kaasoo lala beegsaday gaari uu la socday General Maxamed Xaashi Guuleed.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan todoba qof oo iskugu jiray ilaalada taliyaha iyo dad shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo uu ku jiro General Maxamed Xaashi Guuleed, waxaana qaraxaas uu sidoo kale qaraxaas burbur xooggan uu u geystay goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka isbitaalka Kalkaal.

Macalimu ayaa ALLE uga baryey inuu naxariisto dadii ku naf waayey qaraxaas isagii Caafimaad u rajeeyey kuwa dhaawacmay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Caafimaad deg deg ah ayaan Eebe uga baryaynaa General Maxamed Xaashi Guuleed.

Kooxda cadowga ee Shabaab waxaa ay saaka qarax miino ku bartilmaameedsadeen General Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee CXDS inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalkii hore ee Digfeer kaas oo uu soo gaaray dhaawac.

Waxa aan General-ka Ilaah uga baryeynaa inuu siiyo caafimaad deg deg ah , waxa sidoo kale aan halkan u tacsiyadeynayaa qaraabada  labada askari ee geeriyooday oo kala ah Feysal Xasan Cumar iyo Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa ilaalada Jananka ,waxana aan Eebe uga rajeynayaa in Janadiisa uu u hibeeyo.

General Maxamed Xaashi waxa uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah  u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , xurmad weyna ku dhex leh kaas oo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Militiriga Soomaaliya. Ilaah ha caafiyo.

- Advertisement -