Raisul Wasaaraha Itoobiya oo Madaxweyne cusub u magacaabay gobolka Tigray

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa madaxweyne Ku-meel-gaar ah u magacaabay Maamulka gobolka Tigray, xili uu socdo guluf dagaal oo dowladu ku qaaday gobolkaas.

Dr. Mulu Nega ayaa noqday madaxweynaha KMG ah ee gobolka Tigray kaasoo soo dhisaya xukuumad ku-meel gaar ah oo ka shaqeysa gobolkaas marka laga xoreeyo Maamulka TPLF.

Baarlamanka Itoobiya ayaa dhawaan qaraar ku kala diray Ismaamulka gobolka Tigray markii uu bilowday dagaalka ay kula jiraan dowlada Itoobiya.

Golaha wakiilada Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 39 sarkaal ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud, waxaana ka mid ahaa saraakiishan Madaxweynaha Tigray Debretsion Gebremichael..

Xaalada Itoobiya ayaa meel adag mareysa, waxaana todobaadkii labaad galay dagaalka ciidamada milateriga Itoobiya ku qaadeen gobolka Tigray oo khasaare xoog leh geystay, kaasoo aan la ogeyn xiliga lagu kala bixi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -