Allbanaadir.com
DIINTANEWS

Gobol codadkiisa uu ku guuleystay Musharaxa Joe Biden oo sheeko cusub keenay

Maamulka gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo tirin doono dhammaan codadkii doorashada madaxweynaha ee gobolkaas laga dhiibtay.

Qaabka tirinta ayaa noqon doona mid gacanta loo adeegsado, iyadoo la joojiyey mnishiinadii tirinta loo adeegsanayey sida uu sheegay Xoghayaha Georgia Brad Raffensperger

Tallaabadan ayaa ah tii uu Talaadadii codsanayay ololaha Trump oo ka hor yimid natiijada doorashada.

Meelaha qaarkood codadka ayaa gacanta lagu tiriyaa si loo hubiyo in qalabka tirinta loo adeegsado uu si sax ah u shaqeynayo.

Hase yeeshee, waxaa dhif ah in dib u tirintaasi ay wax ka baddasho natiijadii hore, Waxaana xusid mudan in xitaa haddii uu Biden ku guul darreysto gobolkaas, oo uu horay u qaatay, uu wali heysan doono codad gaadhaya 270 oo ku filan guushiisa madaxweynenimada.

Waqtiga kama dambeysta ah ee gobolka Georgia uu u heysto natiijada ugu dambeysa ee doorashada waa 20-ka bishan November.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Puntland oo si adag uga hadashay Cunaqabateyn Somaliland saartay Gobolka ….

Cabdi Cade

Akhriso: 30-Dhibaato oo dadka Soomaaliyeed ku qabaan dalka Kenya

Cabdi Cade

Ciidanka Xasilinta Muqdisho oo la sheegay in Sharci daro ku dhisan yihiin

Cabdi Cade