Dheymankii ugu weynaa Abid oo lagu xaraashay lacag ka badan 26 Milyan oo Dollar

Suuq xaraash oo kuyaala dalka Switzerland ayaa lagu xaraashay dheymankii ugu weynaa abid ee suuqa xaraashka la keeno, waxaana dheymankan lagu iibsaday lacag malaayiin Dollar ah.

Dheymankan oo laga keenay dalka Ruushka ayaa xajmigiisa lagu sheegay 14.8 carat oo ah cabirka lagu qiyaaso dheymanka, waxaana la tilmaamay in dheymankan uu ahaa kii ugu weynaa abid ee la xaraasho.

Warbaahinta Caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa ku waramay in dheymanka oo ka duwanaa kuwii horey suuqa xaraashka loo keenay lagu iibsaday aduun lacageed oo gaaraya 26.6 malyan oo doolar.

Muuqaalka dheymanka la xaraashay oo ahaa mid aad u qurxoon oo midabo ifayo leh ayaa soo jiitay indhaha dadka markii la keenay Suuqa xaraashka ee  Sotheby, lamana shaacin magaca iyo xogta cida iibsatay dheymankan qaaliga ah.

Dheymankan lacagta qaaliga ah lagu iibsaday ayaa kamid ahaa saddex dhagax oo ay Ruushka kasoo qaaday shirkadda macdanta qaabilsan oo la yiraahdo Alrosa, waxaana lacagta lagu iibiyay dheymantan aheyd mid aan horey loo fileyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -