Shacabka Tigrey oo loogu baaqay in hubka qaataan una diyaar garoobaan dagaal 

Gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay dagaalka u dhaxeeya ciidamada milatariga dowlada federaalka Itoobiya iyo xoogag taabacsan dowlad deegaanka Tigrey.

Dagaalka socda ayaa dhaliyay khasaaro aad u badan oo soo gaaray ciidamada dagaalamaya iyo waliba dad shacab ah, waxaana jirta cabsi laga qabo in xaalada kasii darto ayna dhacaan dagaalo kuwii hore ka culus.

Xukuumada Maamulka Tigrey ayaa shacabka Tigrey ugu baaqday in guryaha kasoo baxaan ayna qaataan hubka si ay isaga difaacaan duulaanka xoogan ee uga imaanaya ciidamada dowlada federaalka Itoobiya.

Shacabka Tigrey gaar ahaan dhalinyarada ayaa bilaabay in ay hubka qaataan iskuna diyaariyaan dagaal, waxaana wararku sheegayaan in maamulka Tigrey bilaabay in uu dhalinyarada dagaalami karta uu hubeeyo.

Dagaalka u dhaxeeya dowlada federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigrey ayaa qarxay kadib markii Ra’isul Wasaare Abiy Axmed uu amray howlgal milatari oo looga jabaabayay weerar xoogag Tigrey ku qaadeen saldhig ciidamada Federaalka ku lahaayeen deegaanka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -