Allbanaadir.com
NEWS

Nin Madaxweyne Caan ah ka sameeyay Muuqaal Aroos Been Abuur ah oo dacwad lagu soo oogay

Nin ku eedeesan in uu sameeyay sidoo kale baahiyay Muuqaal been abuur ah oo ku saabsan Madaxweynaha dalka Nageria Muhamadu Buhari oo guursanaya xaas labaad ayaa lagu soo oogay dacwad

Maxkamad ku taalla waqooyiga Kano ayaa dacwad kusoo oogtay ninkan sameeyay muuqaalka Madaxweynaha dalka Nageria oo la sheegay in guursanayay Sacdiya Cumar Faaruuq oo ah Wasiirka Bini’aadanimada ee dalka Nageria.

Kabiru Mohammed oo ah ninka sameeyay muuqaalka been abuurka ah ee ku saabsan Madaxweyne Buhari oo guursanaya xaas labaad ayaa la xiray bilooyin kahor hasa ahaatee hada ayaa lagu soo oogay dacwada dambiga loo heesto.War kasoo baxay dowlada Nageria ayaa lagu sheegay in ninkan dacwada lagu soo oogay uu qirtay dambiga loo heesto ee ah in muuqaal been abuur ah oo sumcad dil ah ka sameeyay Madaxweynaha Nageria iyo Wasiir Sacdiya.

Maxkamadda kiiska ninkan gacanta ku heysa ayaa damaanad kusii daaysayn ninkan iyadoona diiday codsi dowlada uga yimid, waxaana la filayaa in dhageysiga dacwadda loo heysto Babiru ay bilaabato 5-ta bisha Febraayo ee sanadka 2021-ka.

Muuqaalka been abuurka ah uu sameeyay ninkan ayaana si weyn ugu faafay gudaha dalka Nageria iyo meelo badan, waxa ayna arintan dhalisay hadal heyn badan iyo dadka qaar runta u qaataan muuqaalka guurka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Gudoomiye Aadan Madoobe loogu soo dhoweeyey Riyadh (Sawirro)

Caydiid Ali

Desalegn oo ka mid noqday rakaabkii u horeeyey ee u kala gooshay Addis ababa & Asmara (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Anwar Ibrahim oo si adag u diiday qorshe ka dhan ah Xamaas ay wadaan reer Galbeedka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---