Desalegn oo ka mid noqday rakaabkii u horeeyey ee u kala gooshay Addis ababa & Asmara (Daawo Sawirro)

Dayuuraddii labaad ee rakaab ah ayaa ka duushay magaalada Addis Ababa iyadoo gaartay magaalada Asmara, ka dib markii ay aad u bateen dadka danaynaya in ay Asmara indhaha ka soo qaadaan.

Diyaaraddii koobaad ee muddo labaatan sano ah labada caasimadood u kala safarta ayaa maanta caga dhigatay Asmara.

Wasiirka warfaafinta dalka Eritrea Yemane Meskel ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo bandhigay sawirada rakaabkii ugu horreeyay ee soo raaca diyaaradda Itoobiya oo lagu soo dhaweynayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara.

Rakaabka waxaa ka mid ah Ra’isul wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo mas’uuliyiin kale oo uu soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Osman Saleh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -