Ra’isul Wasaare Abiy oo dhagaha ka fureestay dalab kasoo yeeray Hogaamiyaha Tigrey

Dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigrey waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada federaalka Itoobiya iyo xoogag si weyn u hubeesan oo daacad u ah maamulka Tigrey.

Dagaalka labada dhinac u dhaxeeya ayaa sababay boqolaal askar oo labada dhinac u dagaalamayay, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaalka kusii faafo goobo hor leh ayna ka dhashaan khasaaro lixaad leh.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka biyo diiday codsi kasoo yeeray Madaxweynaha maamulka Tigrey Debretsion Gebremichael, oo dalbaday in wadahadal lagu dhameeyo xiisada gobolka ka aloosan.

Abiy Axmed ayaa Qoraal uu soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ku sheegay in aysan jiri doonin wax wadahadal ah inta sharciga iyo kala dambeynta looga soo celinayo gobolka Tigrey .

Ra’isul Wasaare Abiy ayaana sheegay in  howlgalka ka socda gobolka Tigrey hada u socdo sidii loogu tala galay , waxa uuna sheegay in ciidamada ku dadaalayaan sidii gobolkaasi ugu soo celin lahaayeen sharciga iyo kala dambeyntii ka jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -