Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah jidadka burbursan ee Muqdisho oo dib u dhis lagu sameynayo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Magalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay Wadada Jubada sare oo Xiriirisa inta u dhexeysa Ex-Hotel Jubba iyo 4-ta Jardiino siina marta Suuqa Maanabooliyo.

Cumar Filish ayaa sheegay in wadadan la dhagax dhigay dib u dhiskeeda uu muhiim u yahay socodka dadka iyo gaadiidka.

Waxaa uu intaas ku daray in dhismaha wadadan uu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha lagu soo celinayo bilicda magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka Degmooyinka Shibis iyo Boondheere kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan Nadiifinta Wadooyinka mara Degmooyinkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul katirsan Gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Doorashada Kursi ay ku tartamayaan 9-Musharax oo maanta ka dhacaya Baledweyne

Cabdi Cade

Waa Tuma Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka noqotay dalka Britain ee Liz Truss ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---