Allbanaadir.com
NEWS

Masuul katirsan Gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta xaafad katirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Gudoomiye waaxeed katirsanaa degmadaasi .

Sida aan wararka ku helnay Ibraahim Colow Cali oo ahaa gudoomiyihii Waaxda Shanaad ee Degmada Kaxda ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah, waxaana baxsaday kooxdii dilka masuulkaasi ka dambeesay.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaana dilka kadib gaaray goobtii lagu dilay Gudoomiye waaxeedka, waxa ayna ciidamada howlgalo ay sameeyeen ku guul dareesteen soo qabashada ragii dilka fuliyay.

Dagaalyahano hubeesan ayaa marar badan magaalada Muqdisho ku dilay Gudoomiye waaxeedyo katirsan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la sheegaa inta badan in Gudoomiye waaxeedyada aysan heysan ilaalo weerarada ka difaaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor oo isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada (Akhriso)

Caydiid Ali

Daawo: Olalaha doorashada Somalia oo bilowday & Khayre iyo Farmaajo oo ..

Caydiid Ali

Qaabka Muqdisho loogu aaso dadka u dhinta Coronavirus oo isbedel lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---