Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Donald Trump oo guul muhiim u ah gaaray kahor Doorashada Mareykanka

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa guul muhiim u ah gaaray kahor doorashada la filayo in dhawaan dhacdo, kadib markii Aqalka Senateka ee Congresska Maraykanaka ansixiyeen haweenaydii uu u soo xulay inay garsoore ka noqoto maxkmadda Sare.

Amy Coney Barret ayaa loo ansixiyay in ay kamid noqoto garsoorayaasha Maxkamada sare ee dalka Mareykanka, waxa ayna arintan guul u noqotay Madaxweyne Donald Trump iyo xisbigiisa.

Ansixintan ayaa Maxkmadda Sare ka dhigeysa mid garsoorayaasha aragtida muxaafidka ah haystaa ay ku badan yihiin, kuwaas oo noqonaya 6, halka kuwa aragtidoodu furfuran tahayna ay yihiin 3 garsoore.

Madaxweyne Donald Trump ayaa intii uu xilka hayay la ansixiyay sadex garsoore oo kamid noqonaya garsoorayaasha Mareykanka, xilkan garsoorka ayaana ah mid abadi ah oo qofkii noqdaa laga qaadi karin hadii uusan is casilin ama geeriyoon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) oo magaca laga bedelay

Caydiid Ali

DEG DEG: Dowladda Somalia oo beenisay Warar laga faafiyey ciidamo tababar u jooga Eritreya

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Saxafiinta ku sugan Soomaaliya ay Halis wajahayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---