Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) oo magaca laga bedelay

Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalkkii ay ka wadeen Soomaaliya ee AMISOM uu ku egyahay  31-ka Bishan Maarso.

Hawlgalka ayaa la beddeli doona magaciisa, waxaana uu noqon doonaa ATMIS oo u taagan Hawlgalka Xilliga Kala-Guurka ah ee Soomaaliya oo sii shaqayn doona 33 bilood.

Hawlgalka cusub ee ATMIS ayaa la sheegay inay si dhow ula shaqayn doonaan ciidamada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana dhowaan ansixiyey Qaramada Midoobay. waxaana ku sii jiraya ciidamada AMISOM ee haatan hawlgala, hase yeeshee waxaa u furan inay waddamo kalena ku soo biiraan.

Dawladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey inay heshiis ka gaadheen qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub ee lagu magacaabo ATMIS ee beddeli doona hawlgalka Midowga Afrika ee lagu magacaabo AMISOM.

Hawlgalka AMISOM waxa uu soo shaqaynayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2007-da oo haatan laga joogo muddo 15 sanadood ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba doonaaysay in hawlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida ciidamada Soomaaliya, si ay ugu suurtogasho inay mas’uuliyadaha amniga kala wareegaan AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali

Goob ay gantaalo ku xirtay Mossad oo laga helay gudaha Iran (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaad kala socotaa kala jabka ka dhashay loolanka ka dhexeeya Farmaajo iyo Rooble?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---