Mashaqo naxdin leh oo caawa ka dhacday Dhuusamareeb & dad ku naf waayey

Mashaqo sababtay dhimasho ayaa caawa la soo sheegayaa iney ka dhacday xaafad ku taalla magaalada Dhuusamareeb ka dib markii labo qof ay ku dhinteen boosaneer ay qodayeen.

Shilkan ayaa ka dhacay Xaafada Waxar cadde loo yaqaano ee magaalada Dhuusamareeb ayaa yimid markii labo nin oo qodayey godka suuliga ama Boosaneer midkood uu ku dhacay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninka labaad oo waday dedaal uu ku badbaadinayo saaxiibkiis uu isna kula dhacay godka oo afka hayey saxaro badan oo markaas la doonayey in laga saaro.

Labada nin ayaa ku qarqoomay boosaneerka ay saxaradu ka buuxday taasoo sababtay iney geeriyoodan markii la waayey dad u gurmada oo ka soo saara boosaneerka.

Ciidamada Booliska magaalada Dhuusamareeb iyo dadweyne fara badan oo ka tirsan degaanka ayaa halkaas buux dhaafiyey, waxaana markii dambe lagu guuleystay in meydka labada nin laga saaro halkaas.

Dhacdadan ayaa caawa si weyn looga hadal hayaa magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ciidamada amaanku ay wadaan baaritaan ku aadan sida uu shilkan u dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -