Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo beenisay in markab ku soo jeeday Muqdisho lagu afduubtay xeebaheeda

Puntland ayaa beenisay warar saacadihii la soo dhaafay soo baxay oo sheegay in markab ku soo jeeday Muqdisho  lagu afduubtay xeebaha gobolka Gardafuu ee bariga Puntland.

Maamulka ayaa sheegay in markabkaas oo taagnaa xeebaha Gardafuu muddo 3 ciusho ah loo diray ciidamo ka dib markii laga shakiyey, iyagoo xusay in ciidamada ay ka soo laabteen markabka markii la hubiyey inuu ka yimid Dubai, badeecado ganacsina u sido Muqdisho.

Saraakiisha amniga xeebaha Puntland  ayaa qiray in ciidamadooda gaaray markabkaas ay saddex qori ka qaadeen shaqaalihii saarnaa Markabka intii ay ku jireen howlgalka lagu hubinayey.

Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ayaa sheegay in hubkii lagala soo degey dib loogu celinayo, markabkana la fasixi doono, si uu socdaalkiisa u sii wato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilhaan Cumar oo diidday inay hor fariisato Isaac Herzog kana hadashay Sababta

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay C/samad Axmed Cusman

Caydiid Ali

(Akhriso) Taliska Booliska Soomaaliya oo iska fogeeyey eedeymo loo jeediyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---