Faransiiska oo ka naxay talaabo ay ku dhaqaaqeen dalalka Islaamka qaarkood (Sawirro)

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay shacabka Turkiga ugu baaqay inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska xilli ay sare u kaceyso xiisadda ka dhalatay mowfiqka Faransiiska ee ku aadan islaamka.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’

Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah goobaha laga dukaameysto ee dalalka Urdun, Qatar iyo Kuwait ayaa ilaa Axaddii laga saaray alaabada laga soo saaro Faransiiska. Tusaale ahaan timaha macmalka ee lagu sameeyo Faransiiska iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Dalka Kuwait, ururka ganacsiga ee alaabta tafaariiqda ayaa amar ku bixiyay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska.

Dowladda Faransiiska ayaa dalalka Bariga dhexe ugu baaqday inay ka hortagaan dukaamadda iyo ganacsiyada qaadacay alaabaha dalkaas, kadib markii uu Madaxweyne Emmanuel Macron difaacay in la baahiyo sawir lagu tilmaamay Nebi Maxamed NNKH.

Faransiiska ayaa sheegay in baaqyada lagu qaadacayo alaabta Faransiiska lagu saleeyay go’aanno runta ka fog, oo ay dabada ka riixayaan dad xagjir ah oo kooban.

Fal celintan ayaa waxay salka ku haysaa hadalo uu bixiyay Mr Macron ka dib dilkii loo geystay macalin Faransiis ah oo sawir gacmeedyo uu muujiyay Nebi Muxamed NNKH, tusay ardaydii fasalka ku jirtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in macallinka, oo lagu magacaabo Samuel Paty, “loo dilay sababta oo ah Islaamiyiintu waxay rabaan mustaqbalkeenna”, laakiin Faransiisku “kama quusan doono sawir gacmeedyada”.

Sawiradda Nabi Muxamed NNKH waxay muslimiinta u horseedi kartaa ciqaab culus sababtoo Islaamka wuxuu si cad u mamnuucayaa sawirrada Nabi Muxammad iyo Allaah SW.

A

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -