Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Muxuu salka ku hayaa heshiiska ay Jubbaland la gashay Shirkadda Alpha Logistics? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybgalay saxiixa mashruuca soo saarista Maraakiib burbursan oo ku jirta dekeda Kismaayo kaasoo ay maalgalinayso Dowlada Talyaaniga iyadoo sidoo kale uu goob joog ka ahaa Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Carlo Campalina.

Shirkada shaqadan qabanaysa oo lagu magacaabo Alpha Logistics ayaa sheegtay in wakhti kooban shaqadan lagu soo gabagabaynayo isla markana shaqada Dekedu ay ku soo noqonayso sidii caadiga ahayd.

Dekeda weyn ee Magaalada Kismaayo waxaa qaybo ka mid ah halka ay marakiibtu kusoo xidhaan ku jiray burburka maraakiib dagaal oo ay lahayd Dowladii Dhexe ee dalka iyadoona in ka badan 30 Sano ay qayb ahaan shaqada Dekedu u xanibnayd burburka marakiibtaas oo ku jirtay gunta hoose ee halka ay kusoo xidhaan marakiibtu.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dadaal dheer u gashay sidii marakiibta halkaas ku jira looga soo saari lahaa si shaqada Dekedu ay u noqoto mid caadi ah oo mar kaliyaha marakiib badan ay kusoo xidhan karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciro oo xilal u Magacaabay Masuuliyiin fara badan (Magacyada)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii ruxay Muqdisho iyo Masuuliyiin waxyeelo kasoo gaartay

Cabdi Cade

Suldaan Bashiir Muuse oo maanta lagu aasay magaalada Boosaaso (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---