Allbanaadir.com
NEWS

Xoghayihii guud ee golaha Shacabka oo is Casilay iyo Wasiir hore oo lagu bedelay

Xoghayihii guud ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkii xoghayaha , waxaana booskiisa durbo loo magacaabay masuul kale.

Qoraal uu isku casilay Cabdikariin Buux ayaa la sheegay in uu la wadaagay guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo isna aqbalay iscasilaada Buux, lamana oga sababta keentay is casilaada xoghayaha ee xilligan.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamud Nuur ayaa durba xilka xoghayaha guud ee golaha shacabka u magacaabay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) oo ahaa wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka BJFS oo kulan degdeg ah  yeeshay ayaa wadar ogol ku ogolaaday in Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) uu noqdo xoghayah guud ee golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaflada Caleemo saarka Madaxweyne Xasan oo Socota iyo Madax kala duwan oo joogta

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday Doha oo caawa geeriyooday (Xaalada Yariisow)

Caydiid Ali

Saddex Madaxweyne oo loo xil saaray in ay xaliyaan Khilaafka u dhaxeeya DF iyo Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---