Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Somaliland oo Hakisay wadashaqeyntii kala dhaxeeysay Qaramada Midoobay

Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeesay Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ee ka howlgala gudaha Soomaaliya .

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland ayaa lagu sheegay in la hakiyay wada shaqeyntii ay la lahaayeen Hay’adaha Qaramada Midoobay, mana shaacin wasaarada sababta keentay arintan.

Go’aankan lagu hakiyay Wada shaqeyntii maamulka Somaliland iyo Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa shalay hirgaliyay , waxaana xafiisyada kala duwan ee Hay”adaha Qaramada Midoobay ee kuyaala Somaliland lagu wargaliyay go’aankan cusub.

Maamulka Somaliland go’aankan kasoo baxay ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Somaliland ka carootay heshiis iskaashi cusub ah oo dhax maray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mukhtaar Roobow: “Qarash bixiyaha iyo qarax wadaha waa isku mid” (Akhriso Bayaan)

Caydiid Ali

Daawo:-Madax goboleedyada oo walaac xooggan qaba & ujeedka ololaha ay ka wadaan Muqdisho !!

admin

Siyaasi kasoo jeeda Xawaadle oo loo balan qaaday Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo Lacag

admin
Taboola Ads ---