Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: In ka badan 100-Qof oo ku dhimatay Diyaarad Rakaab oo ku bur burtay dalka….

Diyaarad Rakaab oo nuuceedu ahaa Boeing 737 ayaa ku bur burtay meel ku dhaw garoonka diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Havana ee caasimada dalka Cuba.

Inta la xaqiijiyay diyaaradanwaxaa ku dhintay 110-qof oo kamid ahaa rakaabkii diyaarada saarnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sadex qof oo kale kuwaa oo la dhigay isbitaal iyaga oo qaba dhaawacyo culus.

Diyaaradan rakaabka ee bur burtay ayaa aheyd nuuca u kala goosha gudaha dalka Cuba, waxaana diyaaradan oo ka duushay magaalada Havana ee caasimada Cuba iyada oo kusii jeeday magaalada Holguin .

Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Diaz-Cane ayaa muujiyay sida uu uga naxsan yahay shilkan diyaaradeed ee dhimashada badan sababtay, waxa uuna murugada la qeybsaday dadkii eheladooda ku dhintteen shilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergay cusub iyo fulinta ballamihii uu qaaday…

Cabdi Cade

Sacuudiga oo ku guuleystay Martigelinta Koobka Aduunka sanadka 2034

Caydiid Ali

Taliye sare oo katirsanaa Ciidamada Israa’iil oo dagaal lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---