Xaliima Yarey oo hal qodob ku eedeeysay qaar ka md ah madaxda dowlad goboleedyada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) oo qoraal soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa dhaliishay xubnaha ay maamul goboleedyada intooda badan u soo magacaabeen guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Xaliima Yarey waxay sheegtay in dhammaan maamul goboleedyada markii laga reebo Puntland aysan wax haween ah ku soo darin guddiyadii ay soo magacaabeen.

waxay ka codsatay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu wax ka qabto arrintaas oo ay ku tilmaantay xad gudub ka dhan ah heshiiskii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ku gaareen Muqdisho bilihii la soo dhaafay

“Mudane Ra’iisul wasaare, waa wax laga xumaado, marka laga reebo Puntland, inta kale ay haweenka ka reebeen guddiga doorashada. Tani waxay xadgudub ku tahay mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha” ayey qoraalkeeda ku tiri Xaliima Yarey.

Balse Hirshabelle oo ahaa maamulkii ugu dambeeyay ee soo gudbiya liiska metelaada guddiga doorashada ayaa xubin ka mid ah afarta xubnood waxay tahay dumar, isagoo noqonaya Dowlad goboleedkii 2aad ee ku soo dartay haween liiska xubnaha ay soo magacowday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -