Musharax Xildhibaan Yuusuf Cabdi Maxamuud oo si weyn loo taageeray (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran uu musharaxnimadiisa Xildhibaanimo ku shaacinaya Yuusuf Cabdi Maxamuud oo ah aqoonyahan  dhalinyaro ah.

Munaasabada ka dhacday Hotelka Dayax waxaa kasoo qeyb galay waxgarad, aqoonyahano, dhalinyaro iyo Haween, waxa ayna si weyn dadkan ugu faraxsanaayeen musharaxnimada Xildhibaanka Beesha Habar Ceyno Murusade Yuusuf Cabdi Maxamuud.

Waxgaradkii kala duwanaa ee ka hadlay munaasabada ayaa si weyn usoo dhaweeyay una muujiyay taageero Musharax Xildhibaan Yuusuf, waxa ayna u balan qaadeen in ay ku garab istaagayaan sidii uu ku heli lahaa kursiga uu u tartamayo.

Sidoo kale dhalinyaradii ka hadashay Munaasabada ayaa sheegay in la joogo xiligii dhalinyarada iyo isbadalka, waxa ayna cadeeyeen in taageerayaan kuna faraxsan yihiin in sanadkan Dhalinyaro matalaan uuna Xildhibaan u noqdo Yuusuf Cabdi Maxamuud.

Musharax Xildhibaan Yuusuf Cabdi Maxamuud oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu jecleestay in uu isku soo taago kursiga Xildhibaanimo ee sumadiisu tahay Hop 049, waxa uuna xusay in uu doonayo in isbadal dhaliyo waxbadana uu qabto hadii uu guuleesto.

”Waxaan ka guureynaa 18-sano oo wax qabad la’aan ah insha allah, waxaan u guureynaa 4-sano oo wax qabad iyo isla xisaabtan, waxaana rabaa in dadku iyo deegaankuba helaan mashaariic horumarineed , waxaan balan qaadayaa in aan la imaado wax qabad muuqda hadii aad ii doorataan kursiga aan isku soo sharaxay ” ayuu yiri Musharax Yuusuf.

Waxa uu sidoo kale balan qaaday musharaxa in kaalin muuqata ka ciyaari doono xal u helida dhamaan baahiyaha ka jira deegaan doorashadiisa iyo sidoo kale mideynta iyo isku keenida dadka uu matalo.

Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay munaasabada ayaa taageero balan u balan qaaday musharax Xildhibaan Yuusuf Cabdi, waxa ayna sheegeen in ay ku taageeri doonaan wax walbo oo karaamnkooda ah si uu u guuleesto.

 

- Advertisement -