Shiikh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Nairobi

Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre oo Madaxweyne iyo RW ka soo noqday dowladihii ugu dambeeyey ee dalka soo maray ayaa galabta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi.

Labada masuul oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa waxaa kulankooda ku wehliyay Xildhibaano iyo xubno aad ugu dhow.

Ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen kulankooda balse wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlay arrimo la xiriira xaalada siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.

Kheyre ayaa la sheegay inuu uga garaabay Shariifka wixii tabasho ah oo dhankiisa uu ka qabay ama dhacdooyinkii Shariifka uu la kulmay intuu xilka hayay.

Waxyaabaha ay ku heshiiyeen ayaa la sheegay iney ka mid tahay wada shaqeyn iyo in si dhow la isaga war-qabo, iyadoo Ilo ku dhow kulanka ay sheegayaan in lagu balamay kulamo kale.

Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo labadii bil ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta oo ay qoyskiisa degan yihiin.

Shariifka ayaa Masraxa siyaasadda mar kaliya laga waayay, tan iyo markii ay Muqdisho ka bilowdeen shirarkii lagu gaarayay go’aamada doorashada ee u dhaxeeyay dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyadoo dad badan is weydiinayeen sababta Shariifka mar kaliya loo waayey muuqiisa iyo maqalkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -