Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Mareykanka oo Kenya ugu deeqday Diyaarado dagaal oo lagula dagaalamayo…

Dowlada Mareykanka ayaa diyaarado dagaal ugu deeqday ciidamada Cirka ee dalka Kenya, waxaana diyaaradahan loogu tala galay in Kenya kula dagaalanto kooxda Al Shabaab oo weeraro ka fuliya gudaha dalkaasi.

Magaalada Nairobi munaasabad ka dhacday ayaa milatariga Kenya lagu siiyay 6-diyaaradood oo nuucooda lagu sheegay MD-530F, waxaana diyaaradahan lagu xoojinayaa milatariga Kenya oo ku fashilmay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Stephen Townsend ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay ugu deeqeen Milatariga Kenya ay qeyb ka yihiin iskaashiga Amaanka ee Mareykanka iyo Kenya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in mustaqabalka dhaw sidoo kale Kenya siin doonaan kaalmo milatari oo qeyb ka yihiin diyaarado kale oo nuuca dagaalka ah , waxa uuna sheegay in Mareykanka gacan ka geesanayo tayeynta milatariga Kenya.

Diyaaradahan dowlada Mareykanka ugu deeqday dowlada Kenya ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar xoogan ku qaadeen saldhig milatariga Mareykanka ku leeyihiin gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadaladii Ra’iisal wasaare Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlu Suna oo wali socdo iyo dagaal dhacay

admin

Wax badan ka Ogow Ciidamada Gor Gor ujeedka loo abuuray iyo sida hada loo adeegsanayo

Cabdi Cade

Shirkii Golaha Wasiirada Somalia oo goor dhow ka furmay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---