Haween ku dhamaaday mashaqo ka dhacday Magaalada Jalalabad (Sawirro)

Ugu yaraan 11 haween ah ayaa ku dhintay qaar kalena way ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday garoon ku yaalla Afghanistan halkaasoo ay dadku u doonteen fiiso ama dal ku gal.

Arrintan ayaa dhacday kaddib markii kumannaan qof ay isugu yimaadeen garoonka si ay helaan oggolaashaha aadista Pakistan.

Dadkan ayaa loo sheegay inay tagaan garoon kubbad lagu dheelo, intii ay tegi lahayeen xarunta fiisaha lagu bixiyo ee magaalada Jalalabad.

Dadka ayaa haatan codsan kara waraaqaha dal ku galka Pakistan, kaddib toddoba bilood oo hakad la geliyay sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

Dalka Afghanistan oo ka mid ah dalalka Islaamka, ragga iyo haweenka ayaa gala safaf kala duwan.

Waxaa loo maleynayaa in sidoo kale haween iyo dad kale oo da` ah ay ku dhaawacmeen dhacdadaas.

Safiirka Pakistan ee dalka Afghanistan, Mansoor Ahmad Khan, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay arrintaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -