Cali Guudlaawe & Shiikh Shariif oo soo xiray Shirkii degaanka Burka Diirimeed (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa deegaanka Burka Diirimeed kusoo gaba-gabeeyay Shir Dib u Heshiinsiineed oo u dhaxeeyay Beelo Walaalo ah oo wada dega degmooyinka Cadale iyo Aadan Yabaal oo tabasho soo kala dhex gashay.

Munaasabada ay heshiiska ku gaareen labadan beel ee Walaalaha ah waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Gudiga Nabadeynta, Culimo u diin iyo Nabadoonada labada beel.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tilmaamay in guul wayn ay tahay in labadan beel ee walaalaha ay ka heshiiyeen dhibkii ka dhex dhacay loona baahan yahay in la ilaaliyo nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada si loo gaaro horumar bulsho.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Maamulka iyo Bulshada deegaanka sida ay u maareeyeen gacan ka hadalkii ka dhacay deegaanka, Isagoo ugu baaqay bulshada  inay xoojiyaan nabadda deegaanka iyo  wadajirka bulshada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kula dardaramay waxgaradka iyo bulshada degaanka Burka Diirimeed iney ilaaliyaan heshiiskii nabadeed ee la gaaray, kuna wada noolaadaan nabad iyo degenaansho.

- Advertisement -