FIFA oo aqoonsi caalami ah siisay garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium (Sawirro)

Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ee dhawaan la dayactiray u aqoonsaday garoon caalami ah kaddib markii  lagu qancay tayada cawska macmalka ah ee garoonkaasi la dhigay.

FIFA ayaa sheegtay in tayada cawska yaalla garoonka Muqdisho Stadium uu gaarsiisan yahay heerka caalamiga ah ee garoomada kubadda cagta ee adduunka, taasoo ka dhigan in garoonkaasi lagu qaban karo ciyaaro caalami ah muddo sanad ah.

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay in FIFA ay guddoonsiisay garoonka Muqdisho shahaado muujineyso in uu waafaqsan yahay nidaamka kubadda cagta ee caalamiga ah.

“Wuxuu garoonkeena ku guuleystay in lagu qaban karo ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cagta haddey noqon laheyd kuwa FIFA ay qabanqaabiso ama haddii ay noqon laheyd kuwa qaaradda Afrikaba” ayuu yiri Carab.

Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ku dheeli doonaa garoonka Muqdisho maadama markii hore ay ku dheeli jireen garoomada ku yaalla Jabuuti xilliyada ay socdaan ciyaaraha caalamiga ah ee heer gobol.

Garoonka Muqdisho Stadium oo burbursanaa muddo ka badan 20 sano ayaa waxaa dayactir xoogan ku sameeyey dowlada Somalia oo kaashaneysa heyaddo caalami ah, waxaana dhowr bilood ka hor xariga ka jaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahui Farmaajo.

Garoonka ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1978-dii, waxaana dhismihiisa fuliyey injineero Shiinees ah, iyada oo maalgalinta ay lahayd dowladda Shiinaha oo markaas bah wadaag la ahayd dowladdii kacaanka ee xiligaas dalka maamuleysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -