Buug uu qoray Shakespeare oo lagu iibiyey lacag ku dhaw 10 malyan oo doolar !!

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa aad u hadal haya qiimaha lagu iibsaday buug uu qarniyo kahor qoray qoraagii caanka ahaa ee u dhashay dalka Britain Shakespeare.

Buuggan uu qoray  Shakespeare oo la daabacay sanadkii 1623-kii ayaa lagu iibsaday 9.98 malyan oo doolar, kadib markii lagu soo bandhigay suuq xaraash oo kuyaala magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka.

Sida ay baahisay BBC-da buugan lacagta waalida ah lagu iibiyay ayaa lagu soo aruuriyay nuqulo badan oo kamid ah ruwaayadihii uu qoray Shakespeare, waxaana qaar kamid ah nuqulada buugan laga soo aruuriyay meelo kala duwan.

Buuggan oo Arbacadi shalay la iibiyey ayaa noqonaya nuqul dhammeystiran oo qiima intaa le’eg lagu iibiyo tani iyo 2001-dii, iyada buuggi kan ka horreeyey lagu iibiyey 6.1 malyan oo doolar.

Suuqa Xaraashka Christie ee lagu soo bandhigay buugan ayaa markii hore filayay in lagu iibsan doono lacag gaareysa 4 ilaa 6-milyan oo dollar, hasa ahaatee qof aan xogtiisa la shaacin ayaa buugan ku iibsaday 9.98 malyan oo doolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -