Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka mahadceliyay taageero dowladda Qatar siisay dalkeena

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi.

Xamse Barre iyo safiirka Qadar u jooga Soomaaliya , ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa, Danjire Abdullah, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Putin iyo madaxii Kooxda Wagner oo kulan yeeshay ka dib gadoodkii fashimay

Caydiid Ali

Dhaqaatiir Qalab casri ah u adeegsanaysa Qaliinada Lafaha iyo Baabasiirka oo Muqdisho la keenay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Itoobiya oo ka hadashay Wararka sheegaya iney bilowday buuxinta Biyo xireenka Nile

Caydiid Ali
Taboola Ads ---