Itoobiya oo ka hadashay Wararka sheegaya iney bilowday buuxinta Biyo xireenka Nile

Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in ay bilowday buuxinta biyoxireenka weyn ee dalkaasi ka dhisayo Webiga Niil, Sida laga soo xigtay Telefishanka Dowladda.

Wasiirka Biyaha,Waraabka iyo Tamarta, Sileshi Bekele ayaa sheegay in muuqaalladii dayaxgacmeedku qaaday ee muujinayey xaddiga biyaha haradaas ee kordhayaa ay run yihiin isla markaana la buuxinayo haradaas.

Talaabadan ayaa  imaaneysaa xilli uu guuldarro ku soo dhamaaday wadahadallo u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Sudan kaasoo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile.

Guddiga farsamada ee wadahadallada ayaa warbixin u gudbinayaa Midowga Afrika oo garwadeen ka ah dhexdhexaadinta dalalkan.

Itoobiya waxay u aragtaa in biyo xireenka uu ka qeyb ka yahay dhaqaalaheeda halka Masar ay cabsi ka qabto in saameyn uu ku yeesho heerka biyaha webiga Nile oo shacabkeeda ku tiirsan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -