Lafta-gareen oo qaabilay Wakiilada QM, Midowga Yurub, IGAD & Midowga Afrika (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kuso dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ay qeyb ka ahaayeen Wakiilada EU Nicolas Berlanga, Midowga Africa, Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Madaxweynaha iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa kulan la qaatay Wafdiga maanta Baydhabo soo gaaray Waxaana ka wada Hadleen Arimaha Doorashooyinka, Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada koonfur Galbeed, Xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Covid-19.

Wakiilada ka kala Socday Beesha Caalamka ayaa Bogaadiyey Doorka Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen ku lahaa qabsoomida Shirkii looga hadlayey Arimha Doorashooyinka ee u dhaxeeyey Madaxda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee Septemar 2020 heshiis loo dhan yahay laga gaaray.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay kulanka uu laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka inuu ahaa mid looga hadlayey Dardargelinta Heshiisyadii Muqdisho lagu so gebegebeeyey ee ahaa Arimaha Doorashooyinka sidii Waqtigeeda u qabsoomi lahayd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -