Dhalinyaro kasoo baxsatay Askartii loo qaaday Eritrea oo gaaray Garowe, kana hadlay..

Qaar ka mid ah dhalinyaro ka tirsan askartii dowladda Soomaaliya tababarka ugu qaaday dalka Eritrea oo ka soo baxsaday xeryihii ay ku jireen ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, shir jaraaid-na ku qabtay halkaas.

Waxay sheegeen in socdaal dheer oo dhulka ah ay ku soo mareen gobolada Itoobiya ayna la soo kulmeen silic iyo rafaad aan la soo koobi karin ka hor inta aysan soo gaarin Magaalada Garoowe.

Dhalinyaradan oo illaa shan nin ka koobnaa ayaa sheegay in laga qaaday magaalada Muqdisho, loona sheegay in tababar loo geynayo dalka Qatar, kadibna qaab qiyaano ah looga dejiyay Eritrea.

Sidoo kale waxay sheegeen intii ay ku jireen xeryaha tababarka ay la kulmeen tacadiyo kala duwan oo iskugu jiray, dhimasho, jirdil iyo cago jugleyn, taasoo markii ay u adkeysan waayeen ku qasabtay inay kasoo baxsadaan.

C/Maalik C/llaahi oo ka tirsanaa dhalinyaradan ayaa sheegay in qeybta uu ka tirsanaa ay isku dhaceen ciidanka Eritrean-ka lagana dilay askar ka badan 10, ayna ku dhaawacmeen 50 kale.

Waalidiinta ay carruurtooda kaga maqan yihiin Eritrea ayey ugu baaqeen ineysan joojin banaanbaxyada illaa loo soo celiyo wiilashooda oo ay sheegeen iney ku jiraan nolol adag iyo rafaad fara badan.

“Alxamdulilh waxaa imaanay dhulkeeni hooyo socdaal dheer kadib, waxaa waalidiinta ay ka maqan yihiin dhalintooda si deg-deg ah ugu baaqeyna inay sii wadaan cabashada” ayuu yiri C/Maalik.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -